Qeylo dhaan laga soo saaray Duqeymaha Mareykanka ee aan Ku tala galka aheyn

Somalia news

Warbixin ay ka soo saartay Hey’ad NGO ah Duqeymaha Diyaaradaha Dagaalka iyo kuwa Drones-ka Mareykanka ka fuliyaan Somalia ayna ku beegsadaan kooxaha Argagixisada ee ka howl gasha Somalia, iyadoo soo bandhigtay dhibaatootinka naxdinta leh ee laga dhaxlay duqeyntaasi…

Warbixintaan oo ay soo diyaarisay Hey’ad aan macaash doon aheyn ee PAX (NGO) lagana leeyahay Dalka Holland, ayaa ka dalbatay Hogaanka Mareykanka iney xakameeyaan duqeymaha ka baxsan aagaga dagaalka, warbixintaan oo diirada lagu saaray degaanada Jubbaland oo ah Maamul gobokeedka kaliyah oo xaruntooda iyo inta badan degmooyinka ay heystaan kooxda argagixisada Shababka.

Saameynta howlgalada Mareykanka ee dhanka ka ah Kooxda Argagixisada Shababka Shacbaka degaanada Jubbaland ee aan waxba galabsan ayaa tiradoodu sii kordheysa, tafaasiisha ayaa intaasi raacisay “ inkastoo duqeymaha lagu dilay Tiro badan oo Horjoogayaal ah, haddana ma aysan dhimin awooda ay kooxda u leedahay iney qaado weeraro.

Inkastoo Shacbiga Soomaaliyeed ay naceen Kooxda argagixisada isla markaasna ay ku soo hoos jiraan nidaamkooda haddana waxey isweydiinayaan hadii ay Howlgalada Cirka ay yihiin kuwo lagu sugaayo amaankooda, iyadoo duqeymaha badankooda Dadka rayidka lagu xasuuqi isla markaasna tiro yar oo Horjoogayaal ah lagu dili.

Duqeymahaan ayaa laga dhaxlay Burbur hantiyeed, Barakac, khasaare nafeed, waxeyna u muuqdaan cawaaqib aan la qorsheyn oo ka dhasha weerarada cirka, warbixintaan ayaa tirikoobka laga sameeyay xiligii Maamulkii Trump, iyadoo Saraakiisha Pentagon-ka ay ka gaabsadeen iney jawaabo ka bixiyaan.

229830cookie-checkQeylo dhaan laga soo saaray Duqeymaha Mareykanka ee aan Ku tala galka aheyn