Ma Dhabaa in Kulankii Madasha Wadatashiga uu Qarka u Saaran yahay inuu Baaqdo..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Kukankii uu ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maamulada Gobolada iyo Gobolka Benaadir ayaa qarka u saaran inuu baaqdo kadib markii ugu yaraan 2-Hogaamiyayaal ay ka cudurdaarteen ineysan xiliga balanta la qabtay aysan ku imaan karin…

Wararka ayaa sheegaya in 2-Madaxweynayaal Goboleed jaalka ahaa Villa Somalia ay shaki ka qaadeen qorshaha u qarsoon Madaxweynaha, iyagoo ka cudurdaartay, ineysan ku imaan karin wakhtiga balanta la qabtay, waxeyna ku marmarsiyoodeen arrimo caafimaad iyo kuwo gaar ah.

Ku darsoo Madaxweyne goboleed kale ayaa sheegaya in uusan Isniinta ka hor tagi karin magaalada Muqdisho, waxaana soo shaac baxaaya Xuuraano kale oo ku wajahan ajendaha ay Madaxda Maamul Gobaleedyada wataan kuwaasoo aanu ku soo koobnay:-

-Iney si hordhac ah balanqaad u helaan muddi kordhin 2-sano oo Madaxtooyada ku dhawaaqdo, kadibna loo diyaargaroobo doorasho Qof iyo Cod ah oo guud ahaan Dalka ka dhacda, oo sidaas lagu hirgaliyo Dastuurkii cusub.

-Iney Doorashadooda ay Maamushaan qabsadaan oo ay u Madax banaan yihiin, taasoo ka dhigan in aysan sharci aheyn sida ku cad Dastuurka.

Faanoole Fari kama qodna:-

321900cookie-checkMa Dhabaa in Kulankii Madasha Wadatashiga uu Qarka u Saaran yahay inuu Baaqdo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *