Soomaalida Degan Dalka Turkiga Oo ka walwalsan beegsiga Lagu hayo

Somalia news

Xiliyadii ugu dambeeyay ayaa laga deyrinayaan Xaaladda dadka Soomaalida ku nool ee dalka Turkiga, kadib tiro weerar Oo ay bishaan bilowgeeda koox burcad Turkish ah u geysteen tiro Muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasoo soo gaaray Dhimasho iyo dhaawacyo culus, iyadoo falalkaan ay dhiiri geliyeen Dowladda iyo Xisbiyada Mucaaradka…

Warbixinada Welwelka xambaarsan ayaa muujinaaya in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga lagu shaabadeeyay dhaqan xumo ay bulshada Soomaalida iskugu tagaan xaafadaha qaar, gaar ahaan Kizilay, kuwaasoo ay tabiyeen qaar kamid ah warbaahinta Turkiga, taasoo naceyb hore leh ku abuurtay Turkish-ka.

Sheekh ka mid ah Culimada Soomaliyeed ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga ugu baaqay inay iska ilaaliyaan socodka aan macnaha laheyn, islamarkaana ay si aad ah isku ilaaliyaan, “Taxadar weyn oo aad u ballaaran ayaa u baahanahay, meel istaag-taaga badan aan iska ilaalino, dan hadda u baxeyso mooye gurigaaga ku eekow. Hadda wax aan faa’iideysaneyn aan guryaheena aan ku eekano, oo guryaheena aan ku barano,” ayuu yiri Sheekh Abu Dalxa.

Talaabadaan ayaa ku soo beegantay xili dowladda Turkiga ay hore u soo saartay amar dhigaya in Ganacsatada Soomaaliyeed ka guuraan xaafada lagu magacaabo Kizilay oo ku taala bartamaha magaaladaas, taasi oo noqotay xuddunta ganacsiyada Soomaalida ee garabka isku wada haya.

Dhibta u weyn ee wajahayaan Ganacstada Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa ah arrimo dhowr ah, haba ugu darnaato midda dhanka sharciga ah, waxaana la xiray tiro meherado ganacsi ah, halka dadkii ka shaqaynayeyna qaarkood xabsiga loo taxaabay, kuwa kalena la masaafuriyey.

156250cookie-checkSoomaalida Degan Dalka Turkiga Oo ka walwalsan beegsiga Lagu hayo