Ma Dhabaa in Deni & Faroole Kulan ka Yeelanayaan Khilaafka & Muranka ka Taagan Doorashada…

Uncategorized

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Mr.Deni ayaa lagu wadaa inuu ku qaabilo Xarunta Madaxtooyada Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Mr.Faroole oo shalay soo gaaray Garoowe…

Waxeyna ka wada hadli doonaan xaalada siyaasada iyo khilaafka ka taagan doorashada la qaban doono sanadka soo socda biliwgiisa, iyadoo sida og yahay Xildhibaanada Baarlamaanka ay muddo kororsi hal sano ah sameysteen, inkastoo go’aankaasi uu ganafka ku dhiftay Mr.Deni kuna hanjabay inuu kala diraayo.

Balse kala dirista Baarlamaanka ka hor la sheegay in Maamulka Deni uu u baahan yahay in la ansixiyo Lifaaq uu u gudbiyay gudoonka Baarlamaanka si loo ansixiyo kadib la dhiso Guddi qaban qaabiya Doorashada noocii hore ee xulista Odayaasha ee 66-Xildhibaan.

Inkastoo Dagasl dhiig ku daatay iyo waxa Shacbiga Magaalada lagu qasbay hadana isku dayo iyo culesyo badan oo Wakiilada Beesha Caalamka sameeyeen ayaa waxey ku guuleysteen in xaalada la qaboojiyo, iyadoo intii uu dhisnaa Maamulka Puntland muddo 25-sano ay caado noqotay in marka doorashada soo dhawaato in Mas’uulka Hogaanka uu isku dhejiyo Kursiga horseedana in gacan ka hadal uu dhaco.

292320cookie-checkMa Dhabaa in Deni & Faroole Kulan ka Yeelanayaan Khilaafka & Muranka ka Taagan Doorashada…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com