Shil Diyaaradeed Oo Khasaare geystay oo ka Dhacay Gobolka Shabeelada hoose

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shil diyaaradeed oo shalay galabtii ka dhacay xerada Ciidamada Cirka Bali-doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose kaasoo sababay khasaaro badan oo dhimasho oo soo gaaray Askar Soomaaliyeed oo tababar ku jiray…

Wararka ayaa sheegay in Diyaaradaani burburtay oo aheyd nuuca qumaatiga u kaca ee (Helicopter) xilli ay la socdeen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo kamid ah Ciidamada kumandooska ee Danab kuwaaoo la siinayay tababar, Inta la xaqiijiyay 8-askari oo ka tirsanaa ciidamadaan ayaa shilkaan ku geeriyoodeen, waxaana wararka aan helnay qaarkood sheegayaan in duuliyihii diyaarada oo Mareykan ahaa shilkan ka badbaaday.

Meydadka qaar kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee geeriyooday ayaa la aqoonsan waayay, kadib markii diyaarada ku qaraxday kuna gubteen, waxaana qaar kamid ah dhallinyarada geeriyootay oo diyaarada ka booday meydkooda la keenay xerada Xalane.

Saraakiisha Ciidamada USA ee jooga ku sugan xeradaasi ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono shilkan diyaaradeed ee dhacay iyo waxa keenay, waxeyn xuseen in baaritaanka natiijada kasoo baxda dib ka faah faahin doonaan, Dowlada Federaalka ayaan ka hadlin shilkaadi.

243920cookie-checkShil Diyaaradeed Oo Khasaare geystay oo ka Dhacay Gobolka Shabeelada hoose
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com