Golaha Guud ee QM oo Cod u Qaaday Joojinta Xasuuqa iyo Barakicinta Shacbiga Gaza..

World

Wararka naga soo gaaraya Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New york ayaa sheegaya in Kulankii guud Dalalka QM ayaa cod u qaaday joojinta Xasuuqa iyo Duqeymaha xadka ka baxsan ee Ciidamada Isreal, inkastoo uusan laheyn awood uu ku meel mariyo Go’aanka Dagaalka…

Iyadoo ay taagan tahay xiisaddii ugu weyneyd ee dagaalka ilaa hadda, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraar ‘xabad joojin bini’aadanimo oo degdeg ah, waarta, waxaana codku u dhacay sidaan

120 Dal ayaa u codeeyay

14 ka soo horjeesatay

45 ayaa ka aamusay.

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ma raaci doonto Qaramada Midoobay u hogaansananta Qaraarkaan u fiirso faallooyinka ay u jeediyeen Qaramada Midoobay goor damb, Aan run sheegno sidoo kale, imisa qof oo adduunka ah ayaa sidoo kale si dhab ah u aaminsan Golaha UN-ka, si dhab ah?

Ku darsoo, Tunisia oo Dal Carbeed ah oo Dalka oo soo maray taariikhdiisa murugada leh ee xasuuqa ay u geysteen France, ayaa doortay inuu ka aamuso go’aamada Qaramada Midoobay ee looga gol leeyahay in lagu joojiyo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Xasuuqa iyo dagaalka hadda dhacaya waa abaabul ay si wadajir ah u abaabulayaan Dalalka reer galbeedku kuna doonayaan inay ku badbaadiyaan Israa’iil, Waxaan shaki ka qabaa in Hogaamiyayaasha Carabtu inay rabaan inay wax ka qabtaan – Dhaqaalaha u soo qulqula Dubai, Doha iyo Riyaad ayaa ka muhiimsan.

284510cookie-checkGolaha Guud ee QM oo Cod u Qaaday Joojinta Xasuuqa iyo Barakicinta Shacbiga Gaza..