Dhaawacaydii Dagaalkii Magaalada Garoowe laga qaaday oo Isbitaalada Muqdisho la geeyay…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegaya in Habeen ka hor waxaa magaalada Muqdisho laga dajiyay Diyaarad siday qaar kamid ah Xoogagii iyo Dadkii Rayidka ahaa ee ku dhaawacmay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland…

Wararka ayaa sheegay in Dhaawacyadaan oo gaaraya 15, ayaa qaarkood la xaqiijiyay in dhaawacooda daran yahay, isla markaana ay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo Dibadda ah, Dhaawacyadaan oo hadda lagu dabiibayo xarumo Caafimaad oo Muqdisho ku yaala, ayaa lasoo warinayaa in xaaladooda ay soo hagaagayso, iyagoona helay daryeel caafimaad oo wanaagsan.

10-kamid ah Gadiidka Gurmadka Deg-Dega ah ee Ambulance oo uu diray Agaasimaha Cafimaadka Gobolka Banaadir Dr C/raxmaan Axmed Maxmuud, ayaa dhaawacyada si deg-deg ku gaarsiiyay Xarumaha Cafimaad ee Magaalada Muqdisho kadib markii Garoonka Diyaaradaha laga soo dajiyay, Dagaalkii todobaadkii hore ka dhacay Garoowe, ayaa sababay dhimashada 30-Qof oo isugu jira Shacab iyo dhinacyadii dagaalamayay, halka dhaawacyadana ay gaarayeen ku dhawaad 50-kale oo u badnaa Rayid ah oo rasaasta ugu tagtay Guryahooda.

262330cookie-checkDhaawacaydii Dagaalkii Magaalada Garoowe laga qaaday oo Isbitaalada Muqdisho la geeyay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com