Hir-Shabelle Oo Iska Fogeysay Iney Kursi u xireen Eedeysane Fahad

Somalia news

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed ayaa si adag u beeniyay in xiriir uu ka dhaxeeyo Ciidamada dhawaan ay Dowladda gaysay Magaalada Beledweyne iyo safarka la filayo in uu magaaladaasi ku tago Eedeysane Fahad Yaasiin oo la sheegay in Kursi loo xiray…

Xogtaan ayaa tilmaamay in Fahad Yaasiin la fahamsan yahay inuu xusul-duub ugu jiro boobka kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP086, kaasoo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, sidoo kalena ah musharax mar kale u taagan tartanka doorashada ee kursigaasi.

“Horta kursi shakhsiyad oo Beledweyne yaala ma jiree, 25-ka kursi ee taala kursi walba qabiilaa iska leh, 101 qof oo qabiilkaasi ah ayaana dooranaya, Kursi kasta oo kuraastaasi ka mid ah intaas oo qof ayaa ku tartamaysa, qofkii Ilaahay xagiisa uga qoran oo Ilaahay u calfo, qabiilkaasuna doorta ayaa madax noqonaya.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle.

Yuusuf Dabageed oo VOA la hadlay ayaa yiri “Kurisga uu Fahad wax ka leeyahayna, kuraastaas ayuu ka mid yahay, ee kursi gaar ah uu Fahad leeyahay ma jiro, haddii qabiilkiisu doortana Fahad Xildhibaan ayuu noqonayaa, hadduu qabiilkiisa cid kale doortana dadka la dooran waayo ayuu ka mid noqonaa.”

167670cookie-checkHir-Shabelle Oo Iska Fogeysay Iney Kursi u xireen Eedeysane Fahad