Dagaalka Laas caanod oo Maalintii 5-aad Ka Socda & Dhibaatada Xoogan uu Geysanaayo

Somalia news

Iyadoo Dagaalka ka socda magaalada Laas caanood uu galay maalintii shanaad oo khasaare dhimasho, Dhaawacyo tiro badan iyo burbur u gestay Dhismayaasha Sida Masaajida, Isbitaalka iyo Guryaha Dadka Rayidka ayaa Maamulka Muuse Biixi wuxuu go’aansaday inuu bedelo qorshaha uu ku soo weerarayo Laascaanood, Xuddunta qorshahaasi waa waddada Yagoori ilaa degaanka Dhooddi oo xiligaan ay Sahayda iyo Gurmadku u soo maraan…

Xogtaan ayaa sheegtay in Horgalaha Mahad Cambaashe iyo Maleeshiyadiisa oo degaanka ka soo jeeda loo xil saaray ilaalinta Wadada sahayda iyo Dhaawacyada u marto, sidoo kale waxey Maamulka Muuse Biixi dejiyeen qorshe dagaal oo aag dagaal looga furo Degmada Buuhoodle iyo Degaanka Tukeraq.

Dhanka jale, Wararka ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Muuse Biixi iyo Afhayeenka Baarlamaanka Cabdirisaaq Khaliif, xiisadaan ayaa salka ku heysa sidii dagaalka ka socda magaalada Laascaanood loo joojin lahaa, Mr.Cabdirisaaq Khaliif uu sida la sheegayo maamulka Muuse Biixi ka dalbaday in Ciidamada laga saaro Gobolka Sool si loo helo jawi lagu billaabi karo wada-hadal taasoo uu ka biyo diiday Muuse.

241550cookie-checkDagaalka Laas caanod oo Maalintii 5-aad Ka Socda & Dhibaatada Xoogan uu Geysanaayo