Dib u Dhacyo ku Yimid Qorshe Deni uu ku Doonayay inuu Isimada Bari Oggoleysiiyo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dadaalo nabadeed oo ay si hoose uga soo shaqeeyeen Odayaal dhaqneed iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Bari kuwaasoo u howlgalay iney kulan siiyaan Madaxweynaha Puntland iyo Boqor Burhaan iyo Beeldaajayaasha Cali Beedaje Faarax iyo Cali Beeldaaje Saalad isla markaasna Xurgufta u dhaxeysa la dhameeyo…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Dani uu Odayaashani ku booqday Hoyga Boqor Vurhaab ee magaalada Boosaaso wuxuuna kulankaasi qaatay muddo 20-Dawiiqo ah kuna soo dhamaaday inuu fashilmo, Kulankaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddo sanad ah uu ka soo wareegay markii Mr.Deni oggolaadey qaar kamid ah go’aamadii Isimadu ku xailiyeen dagaalkii Boosaaso oo ay ka mid tahay mag-dhawga dadkii dhibaatadu ka soo gaartey dagaalka taas oo aan weli fulin.

Mr.Dani ayaa sidoo kale ka la hadlay Isimadaan Xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Garoowe kuwaasoo salka ku haya Boob diiwaangelinta Doorashada ama damaciisa muddo kordhinta, wuxuuna ka codsaday iney soo ka qeyb qaataan sidii loo xalin lahaa khilaafka, Boqor Burhaan ayaa u sheegay Mr.Deni inuu Saaxiibadiisii hore ee Siyaasada ku kala irdhoovay inuu la heshiiyo.

241580cookie-checkDib u Dhacyo ku Yimid Qorshe Deni uu ku Doonayay inuu Isimada Bari Oggoleysiiyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com