Ma Dhabaa in Wasiirka Arrimaha Dibeda Ee Dowlada Federaalka uu Is-casilaayo..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dowlada Federaalka Mr.Abshir Cumar Haruuse uu inta aan la gaarin dhamaadka Bishaan Decembar iska casili doono Xilka Wasaarada, isagoo ku biiri doona Musharixiinta u taagan doorashada Xilka Madaxtinimo ee Hogaanka Maamulka Puntland oo la qaban doono 8-da Jenaayo 2024-ka…

Wararka ayaa sheegaya in Ololaha doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa si toos ah u bilowday kadib markii ay meesha ka baxday hubanti la’aantii ka jirtay hanaanka loo qabanayo doorashada, inkastoo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland dhigteen isbaaro hadana talabadaasi ma hakin doonto qabashada Doorashada.

Wasiir Haruuse oo ka soo jeeda Degmada Eyl ayaa rajo ka qaba inuu ku guuleysto tartanka Doorashada, iyadoo Mr.Deni uu habeen ka hor sheegay in lagu laabtay hannaankii hore ee Qabaliga ee xulashada Xildhibaanada doorashada 66-da taasoo soo afjartay khilaafkii in mudda ah ka taagnaa Arrimaha doorashada.

291950cookie-checkMa Dhabaa in Wasiirka Arrimaha Dibeda Ee Dowlada Federaalka uu Is-casilaayo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com