Maxaa Keenay in Mr.Deni Looga Itaal Roonaado Maharuuca Diwaan gelinta Doorashada Garoowe

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshayaal guracan oo uu diyaariyay Madaxweynaha Puntland, kaasoo salka ku haya boob Dhulal dan guud ah iyo dhismayaal oo ku yaala magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso qorsheyaashani ayuu ku doonayo inuu kula wareego…

ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Mr.Deni, dhulalka damaca boobka ka galay ayaa u badan kuwo ku yaalla bartamaha Boosaaso wuxuuna la doonayaan qoyskiisa iney ka dhistaan goobo ganacsi iyo guryo degaan ah, Waxaana qaadashadooda loo adeegsan doonaa Guddi Wasiiro, Maamulka Gobolka, Taliska Boliiska Bari iyo Maamulka heer degmo ah kuwaasoo goor-sii horeysay uu magacaabay Mr.Deni.

Dhanka kale Mr.Deni iyo kooxdiisa ayaa ku fashilmay iney magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ka dhaqan-geliyaan is-diiwaan galinta dadweynaha iyo barnaamijkiisa oo ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland, kaasoo la kulmay diidmo dhaqan, mid siyaasadeed iyo mid ciidan.

Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa ah degaanada loo diyaarinaayay in lagu qabto tijaabinayo mashruuca iyo qorshaha Saciid Deni oo ay dadku badi sheegayaan inuu yahay mid uu rabo inuu u dhexmaro muddo kororsi laba sano ah.

Illaa bisha May ee sanadkan ayuu Deni wuxuu doonayaa inuu degmooyin badan ka sameeyo diiwaan-gelinta kadibna uu codsado muddo kororsi laba sano ah, isaga oo marmarsiyo ka dhiganaya dhameystirka qorshihiisa ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland ayay leeyihiin mucaaridka Puntland, oo iyagu si weyn u diidan arrintan.

241640cookie-checkMaxaa Keenay in Mr.Deni Looga Itaal Roonaado Maharuuca Diwaan gelinta Doorashada Garoowe