Digiino Amni Oo Laga Soo Saaray Magaalooyinka Kismaayo & Mogadishu

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujineysa in Digniino amaan laga soo saaray Magaalooyinka Kismaayo & Mogadishu, kadib markii ay uu hoos u dhac ku yimid wax ka qabashada iyo ka hortaga Hey’adaga Amaanka ee Magaalooyinka kor ku xusan..

Wararka ayaa sheegay in Hey’adaha UN-ka ay Shaqaalahooda magaalada Mogdishu ku wargeliyeen in xakameeyaan dhaqdhaqaaqooda 4-5 malmood ee soo socota, waxeyna ka digeen in Weeraro iyo Qaraxyo ay suurtagal tahay in Kooxda argagixisada Shabaabka ay ka geystaan qeyba kamid ah caasimada Muqdisho.

Goobaha laga cabsi qabo iney kooxdani weeraraan ayaa Shaqaalaha & Dadka Rayidka loogu baaqay inay ka feejignaadaan tegistooda:-

1▪︎The Elite Hotel, KM-4 Checkpoint, SYL Hotel, Dorbin Hotel, Dabka Area, Dekeda, Jazeera Hotel, Liido Beach, Makka Al-Makaramah Road, Villa Somalia Checkpoints, Nisa Checkpoints & Xafiisyada Wasaaradaha.

Digniinadaan ayaa soo baxeysa kadib markii la ogaaday in Bakhaarada Keydka NISA laga Saaray 4-ka mid ah 6-Drone oo la qabtay 4-tii Novembwr 2021-kii, iyadoo Kooxda Shababka ay soo bandhigeen Sawiro muujinaaya Diyaarado Drones ah.

Dhanka kale Magaalada Kismaayo ayaa laga soo sheegayaa in warar la faafiyey ay sheegayaan in khal-khal amni uu ka jiro Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, lana geliyey Magaaladaasi gaadiid walxaha qaraxyo laga soo buuxiyay lana doonayo in lagu dhibaateeyo Shacbiga ku nool magaalada Kismaayo.

211990cookie-checkDigiino Amni Oo Laga Soo Saaray Magaalooyinka Kismaayo & Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com