Go’aano Ka soo Baxay Kulan ay yeesheen Cuqaasha Beelaha Gobolka Sool

Somalia news

Shir ay isugu yimaadeen Cuqaasha iyo Waxgaradka Beelaha Dhulbahante iyo Fiqishini, shirkaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood, ayaa bayaan kasoo baxay lagu sheegay in Xoogaga Maamulka Somaliland ay isaga baxaan magaalada Laascaanood iyo gobolka SooL…

Higaamiyayaasha Dhaqanka ee labada beelood ayaa waxay sheegeen inay isugu imaanayaan shirwayne wadatashi ah oo looga tashanayo masiirka iyo aayaha gobolka Sool, waxayna ku baaqeen intaas wixii ka horreeya in la ilaaliyo kala dambaynta iyo Amniga.

Qodobada kasoo baxay shirkaan waxaa lagu sheegay in Somaliland ay qaadanayso masuuliyadda dadkii lagu laayay magaalada Laascaanood, intii mudaharaadyadu socdeen.


236020cookie-checkGo’aano Ka soo Baxay Kulan ay yeesheen Cuqaasha Beelaha Gobolka Sool
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com