Afhayeenka Senate-ka Kenya oo Lagu Eedeeyay inuu Kala Qeybinaayo Midnimada & Jiritaanka Somalia..

Africa News Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa si cad u soo kordhaaya gafafka hadalada wax u dhimi kara Xiriirka Kenya & Somalia, iyadoo ay Mas’uulkii ugu dambeeyay uu noqday Hadal hayeenka Senate-ka Dalkaasi Mr.Amason Jefa Kingi , isagoo ku sifeeyay Maamulka Somaliland “Jamhuuriyad”…

Mr.Kingi ayaa soo hadal qaaday xiriirka Somaliland ay la leeyihiin uu ahaa mid soo jireen ah ilaa waagoi Gumeystaha Boqortooyada UK, taasoo horseeday in Nidaamyada iyo Heykalka Dowladnimo ee labada “dal”, ay noqdeen kuwo isku dhow kadib markii ay xorayada qaateen sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna xiligaasi la kulmay Madaxa Xiriirka Somaliland ee Nairobi Mr.Maxamed Axmed Maxamuud.

Mr.Kengi oo Qoraalka soo dhigay Bartiisa Bulshada ee X, ayaan darose Dowlada Kenya ayaan raali gelin ka bixin delqaafkaasi oo joogto noqday, ku darsoo Madaxweynaha Kenya ayaa shalay ka gudoomay Danjiraha cusub ee Somalia Warqadihii Aqoonsiga Mr.Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyadoo magacasbistaan wadada wanaagsan u jeexi doonta xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu yahay shaqsi galaan-gal xoogan ku leh Kenya.

292020cookie-checkAfhayeenka Senate-ka Kenya oo Lagu Eedeeyay inuu Kala Qeybinaayo Midnimada & Jiritaanka Somalia..