Kenya oo Baafisay Shaqsiyaad & Sawiradooda Kuwaasoo looga Shakiyay iney Shabab Yihiin..

Africa News

Warar naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada 35 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen weerarradii ugu dambeeyay ee Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka ay ka geystaan ​​degaanada xeebta ah ee Lamu…

Wararka ayaa sheegaya in Eedeysanayaashani ay isugu jiraan Tansaaniyaan, Soomaali, Jarmal, kuwa heysto dhalasho Boqortooyada UK, iyo muwaadiniin u dhashay Bangladesh, iyadoo dadka ugu badan ay yihiin Kenyaan, kooxdaan oo tiradoodu lagu sheegay ilaa 35 Eedeysane ayaa howlgalo khalkhal gelin amni iyo Dhigista Miinooyin kuwaasoo dhibaatooyin u geystay Muwaadiniinta degaanada ku nool.

Howlwadeenada Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in tuhmanayaasha ay hubaysan yihiin isla markaasna ah kuwa khatarta ah iyagoo qayb ka ah “shabakadda  Al-Shabaab ee mas’uulka ka ah qorsheynta iyo abaabulka weerarrada lagu hoobtay ee degmada Lamu iyo Gobolka Boni Enclave ee dalkaas”, Shacbiga Degaanada ayaa loo balanqaaday Abaal marin ciddi keenta Xog la xiriirta kooxdani.

282700cookie-checkKenya oo Baafisay Shaqsiyaad & Sawiradooda Kuwaasoo looga Shakiyay iney Shabab Yihiin..