Ma Dhabaa in Argagixisada Shababka ay Go’doon Gelisay Magaalada Baydhaba..

Somalia news

Warar welwel xambaarsan ayaa muujinaaya in Maleeshiyaadka kooxda argagixisada Shababka ay go’doon geliyeen magaalada Baydhabo, isla markaasna ay diideen iney fasaxaan Gaadiidka Xamuulka ee Badeecadaha Raashinka ka qaadi jiray magaalada Mogadishu iney geeyaan Baydhabo…

Ilo wareedyo Amaan oo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay Kooxda Argagixisada Shababka ay xirtay Wadooyinka soo gala magaalada Baydhabo, iyadoo xayiraadaan ay ka dhasheen sare u kac ku yimid Quutal-daruuriga noocyada Cuntooyinka muhiimka ah, waxaana laga cabsi qabaa iney isku rogto sicir barar, iyadoo Kiiladii Bariiska ay ka gaartay gudaha magaalada 2-US$ ama 35-Kun Shilin Soomaali ah.

Xiisadaan ayaa la sheegay iney ka dhalatay kadib markii Horgalada Waxbarashada qaabilsan kooxda Argagixisada ay barwo (Casumaad) u direen Macallimiinta Dugsiyada Waxbarashada iyo kuwa Qur’aanka, waxaana is hortaag ku sameeyay Maamulka fadhiidka ah ee Dhinaca ka raran ee Konfur Galbeed, Sicirka Raashinka ayaa la wariyay inuu si gaar ah u saameeyay Dadka Dan yarta ah ee magaalada ku nool.

Magaalada Baydhabo ayaa xiligaan waxey hoy u tahay Kumanaan Shacab ah oo horey uga soo barakacay degaanada kale ee Go’doonka ah sida Xuddur, Waajid, Berdaale, Diinsoor, Buur hakaba iyo Qansaxdheere, iyadoo uu Maamulka Laftagareen uu ka gaabiyay xoreynta Degaanada Goboladaasi ee weli baaqiga ku ah gacanta kooxda Argagixisada Shababka.

265530cookie-checkMa Dhabaa in Argagixisada Shababka ay Go’doon Gelisay Magaalada Baydhaba..