Ma Dhabaa in Madaxtooyada ay Hakad Gelisay Muddo Kordhintii Madaxweynaha

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Hindise sharciyeedka muranka badan dhaliyay oo kooxda Damu jadiid ay ku dooneysa in wax laga bedelo Muddo xileedka Madaxweynaha lagana dhigo 5-sano sida Maamulada ayaa socon waayay, kadib markii gudoonka Baaarlamaanka ay hakad geliyeen…

Xogtaan ayaa sheegtay in Hindise sharciyeedka loo gudbiyay ku dhawaad 9-todobaad ka hor Gudoonka Golaha Sharci dejinta ee labada aqal ayaa ujeedkiisu ahaa in isbedelo lagu sameeyo Hey’adaha fulinta iyo sharci dejinta, Hindise sharciyeedkaan ayaa waxa uu la kulmay diidmo kaga imaanayay dhinacyo is biirsaday oo ay ku jiraan tiro badan oo Xildhibaano ah iyo Hogaamiyayaasha siyaasada ee saameynta ku leh sida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Villa Somalia ayaa garwaaqsatay in sharcigan uu yahay mid aan la jeclayn oo lagu sii wiiqayo sharcinimada Dowladda Federaalka, Madaxweynaha ayaa u sheegay xulafadiisa inay gabi ahaanba ka tanaasulaan sharciga” ayuu yiri Xildhibaan codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo amaan awgeed.

Kooxda Damu Jadiid ee Villa Somalia ayaa ku xisaabtantay in muddo kordhinta iyo is-bedelka mudfo xileedka ee Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ay fursad u siin karaan Madaxweynaha xilka haya inuu dabada ka riixo isbeddelka xilliga Madaxweynaha isagoo adeegsanaya labada aqal ee sharci dejinta. Xildhibaan Mahdi Guuleed oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa loo magacaabay inuu kormeero sharciga ay wado Villa Somalia.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose Sheekh Aadan Madoobe oo heshiis ka dhex dhigay Villa Somalia iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku qancay sharcigan. Waxaa laga yaabaa inuu ku booriyo Xoghayntiisa inay soo diyaariyaan hindise sharciyeedka doodaha lagu cabsi gelinayo Villa Somalia. Madaxtooyada ma rabto in sharcigan laga doodo Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare midna” ayuu sii raaciyay Xildhibaanka.

252910cookie-checkMa Dhabaa in Madaxtooyada ay Hakad Gelisay Muddo Kordhintii Madaxweynaha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com