Abaabulka Xil Ka Qaadista Oo Madaxtooyada Gadaal Ka Riixeyso

Somalia news

Xubno ka tirsan Senatarada Oo aad u taageersan Siyaasada Villa Somalia, isla markaasna Dhaqaale lagu siiyay sidii u hirgelin lahaayeen qorshe laga soo diyaarshay Madaxtooyada Oo la doonaayo in Xilka looga qaado Gudoomiyaha Aqalka Sare….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Qorshahaan uu daaha gadaashiisa ka riixaayo Mr.Farmaajo, waxaana gacan ku siinaaya Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Dowlada Mr.Mahdi Guuleed, ayaa la isla meel dhigay in loo xulo Musharaxa qabanaaya Gudoomiyaha Golaha Senatar ka soo jeeda Gobolka Awdal laguna magacaabo Ayuu Ismaaciil kana mid ah Xisbiga Mr.Farmaajo.

Maamulka Farmaajo Oo muddo xileedkeeda gabaabsiga yahay ayaan la ogeyn sida ay u fulin karaan Qorshahaan, iyagoo aan heysan tiro Senatarada ah Oo Xilka ka qaadi karta Gudoomiyaha Aqalka Sare Nr.Cabdi Xaashi Oo Khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Mr.Farmaajo kuna baaqay Kulan ay yeeshaan Madaxweynaha iyo Madaxada Dowlad goboleedyada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Senator Ayuub Ismaaciil uu aqbalay inuu qabto xilka guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, waxaa lagu balamay sida aan xogta ku helnay in kulan toos ah uu dhex maro madaxweyne Farmaajo, Ra’isal Wasaare Kheyre, Ra’isal Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed, Agaasime Fahad Yaasiin iyo Senator Ayuub si qorshahaan uu u guuleysto.

43480cookie-checkAbaabulka Xil Ka Qaadista Oo Madaxtooyada Gadaal Ka Riixeyso