Ma Dhabaa in Askari ka tirsan Sirdoonka NISA oo Ku Hubeysnaa Qori loogu xiray Mandheera..

Africa News Somalia news

Faahfaahino ayaa laga helayaa howlgal ay ku qabteen Boliiska Magaalada Mandheera (Kenya) Askari ka tirsan Hey’adda NISA, kaasoo la sheegay inuu si sharci darro ah isagoo hubeysan uga talaabay Xadka, kaddib markii loo diiday in laga iibiyo khamri…

Wararka ayaa sheegay in Mr Mohamed Sheikh Abdullahi, oo 22 jir ah, ayaa ka soo tallaabay Xadka Somalia isagoo hubeysan, falkaan ayaa dhacay Isniintii la soo dhaafay wuxuuna sharci darro ku galay Dalka Kenya, Kadib wuxuu isku dayay inuu dadka degaanka ka codsado inay u tilmaamaan Dukaan khamriga lagu iibiyo oo ku yaala gudaha magaalada Mandheera, Askarigaan ayaa kadib markii uu ku guuldaraystay in loo tilmaamo, wuxuu soo galay Saldhigga Boliiska Mandheera isaga oo raadinaya in laga gacan siiyo inuu iibsado Khamriga.

Askarigaan oo xiligaan sakhraansanaa ayaa la sheegay inuu dhowr Xabadood oo qoriga AK-47 hawada u riday, iyadoo Boliiska Kenya ay ku guuleysteen iney qabtaan isla markaasna xiraan waxeyna ku wargeliyeen Taliska NISA ee magaalada Beledxaawo, iyadoo Boliiska labada Dal ay iska kaashanayasn sidii loo yareyn lahaa dhacdooyinkan noocaan oo kale ah.

257730cookie-checkMa Dhabaa in Askari ka tirsan Sirdoonka NISA oo Ku Hubeysnaa Qori loogu xiray Mandheera..