Cabsi Xoogan Oo Soo Food Saartay Shacbiga Israel Kadib Hanjabaadii Ciidamada Iran…

World

Waxaa aad u sii kordhaaya Cabsida ay Shacbiga Israel ka qabaan weerar aargudasho ah oo Iran qorsheyneyso iney ku qaado Degaano iyo Fariisimada Ciidamada Yuhuuda, kadib markii diyaarad dagaal ay duqeyn ku dishay 7–Xubnood oo IRGC oo ku jiray Qunsuliyada Iran ee Magaalada Damascus…

Sida laga soo xigtay ugu yaraan Laba Sarkaal oo Iiraaniyiin ah, Ciidamada Qalabka Sida ee Iran iyo Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa la geliyay heegankii ugu sarreeyay ee Feejignaanta, iyadoo la go’aamiyay iney si toos ah uga jawaabaan Weerarkii Isniintii Israel ku qaaday dhismaha Qunsuliyadeeda ee magaalada Dimishiq oo lagu amray in la abuuro Deterrence.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay iney heleen Macluumaad tilmaamaya inuu dhici dooni weerarro argoosi ah oo ay diyaarinayso Iran kuna qaadaan ka hor 9-April oo ku beegan dhamaadka bisha Ramadan, ku darsoo waxaa Israel ayaa Albaabada iskugu dhufatay 28-Safaaradood oo ay Aduunka ku laheyd, waxaana u dambeeyay Safaaradaha Italy, Sweden, Azerbaijan, Bahrain, Masar, Jordan, Morocco, Turkey, Turkmenistan iyo kuwo kale.

Warbixin ay soo bandhigtay Television-ka CBS News ayaa intaa ku dartay iney weerarrada ay doonayso Iran iney qaado inay isugu jiraan kuwa ay u adeegsanayso Gantaalada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Is-miidaamiya, iyadoo weerarradan ay ka dhaci karaan xarumaha diblomaasiyada ee Israa’iil ay ku leedahay dibadda.

319470cookie-checkCabsi Xoogan Oo Soo Food Saartay Shacbiga Israel Kadib Hanjabaadii Ciidamada Iran…