Maxaa Sababay in Xilka Laga Qaado Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Maamulka Somaliland..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo uu xilka kaga qaaday Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Axmed Aadan Daahir, kafib markii uu eedeyn (Wasiirku) u jeediyay Muuse Biixi iyo Wiilkiisa iney Ciidamo wax Caburiya dhisteen..

Wararka ayaa sheegay in muuqaal laga duubay Wasiirka isagoo ku sugan magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka oo la baahiyay ayaa Sababay xilka qaadista Wasiirka horumarinta Reer miyiga ee Somaliland, oo kasoo jeeday degmada Dhahar ee Gobolka bariga Sanaag.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=pfbid02kbfqa1PT4yivVUc6JzKNiVbM6EsrCaz8RV6MCBgGbGHW6L7MVMZ9QWEXtzGTizmCl&id=100000482911474

Wuxuuna sheegay “Wiilka Madaxweynaha ayaa ciidama samaystay, dadka ayuu afduubtaa, dagaalka laascaanood Muuse Biixi waa madax dhul la dhac, waa quustay, jabuuti ayuu hub weydiistay” ayuu yiri Wasiirka horumarinta reer miyiga ee SL oo maanta Muuse Biixi u xilka uga qaaday muuqaalka oo Todobaadkaan Dubia laga duubay, Wasiirka ayaa shalay kamid ahaa koox Wasiiro ah oo Muuse Biixe kala qayb galay xaflad Hargaysa ka dhacday.

282570cookie-checkMaxaa Sababay in Xilka Laga Qaado Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Maamulka Somaliland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com