Gudoonka Barlamaanka Oo Amray Wasaarada Amniga Iney Caddeymo Ka Keento Dembiyada Kufsiga

Somalia news

Gudoonka Barlamaanka Somalia ayaa qoraal u diray Wasaaradda amniga, iyagoo ka codsaday iney Golaha Barlamaanka horkeenaan sababaha ka dambeeya tirada sii kordheysa ee kufsiyo fool xun oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo dareenka bulshada aad u kiciyay…..

Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa u sheegay Saraakiisha wasaaradda amniga in laga doonaayo inay caddeyso sida uu ku dhacay kiis kufsi iyo dil ah oo dhawaan ka dhacay Muqdisho, kaasoo loo geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd ardayad dhameysay Dugsiga sare.

Laamaha amnigu weli kama jawaabin cabashada, hase yeeshee waxaa weli socda baaritaan lagu wado halkii falku ka dhacay iyo maydka marxuumada oo laga qaaday dheecaano ka caawinaya baaritaanka in la ogaado dadka falgalka la sameeyay marxuumada.

Iyadoo uu socdo baaritaanka kiiskan, ayaa maalintii shalay lasoo weriyay kiis kale oo kufsi ah oo loo geystay wiil 10 sano jir ah, oo ay faraxumeeyeen labo nin oo ku labisnaa dareeska ciiddanka dowladda.

60870cookie-checkGudoonka Barlamaanka Oo Amray Wasaarada Amniga Iney Caddeymo Ka Keento Dembiyada Kufsiga