Dalka Israel Oo Dalbaday iney Dhexdhexaadiso Xoogaga ku Dagaalamaaya Sudan

World

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in Saraakiil ka socda Dowladda Israel ay bilaabeen iney u kala dab qaadaan 2-Sareeye ee Xoogagoodu ku dagaalamayaan Dalka Sudan, iyadoo dhibaatada iyo barakaca ka dhashay Dagaalkaan uu saameeyay Shacbiga Dalkaasi iyo Shisheeyaha ku nool…

Warsidaha Axios oo faafiyay Warkaan ayaa qoray in Saraakiisha Yuhuuda ay horumar kooban ka gaareen waan waantaan, hase yeeshee ma bixin tafaasiil dheeraad ah, iyadoo Dowladda Mareykanku ay xogogaal u tahay fara gelinta Israel ee dagaalka sokeeye, inkastoo aysan dhinacyada khuseyso arrintaan aysan xaqiijin.

https://www.axios.com/2023/04/24/sudan-israel-invite-burhan-hemedti-talks

Bishii 1-aad ee Sanadkaan ayeey Dowladda Israel ayeey ku dhawaqday iney caadi ka dhigtay xiriirkii ay la laheyd Dalka Sudan, iyagoo Wafuud labada dhinac ah ay kala gaareen Dalalkaasi inkastoo talabaadaasi ay abuurtay Caro xoogan gaar ahaan Shacbiga Sudan.

https://www.axios.com/2023/04/24/sudan-ceasefire-burhan-military-rsf-hemedti-blinken

Wasiirka Arrimaha Dibeda Mareykanka Mr.Blenken ayaa sheegay in Dhinacyada ku Dagaalamaaya Dalka Sudan ay oggolaadeen 72-saacadood oo xabad joojin ah, iyadoo dhinacyadaan culeys lagu saaray iney Xabada joojiyaan kadibna la wada hadlo.

253190cookie-checkDalka Israel Oo Dalbaday iney Dhexdhexaadiso Xoogaga ku Dagaalamaaya Sudan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com