La-Taliyaha Amniga Madaxweynaha Oo lagu Eedeeyay Cabsi-gelinta Maamulka Machadka Hiraal..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Mas’uuliyiinta Machadka Hiiraal oo ah hay’ad cilmi baaris ah oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ay wajahaayaan hanjabaado kaga imaanaya Xafiisyada Madaxtooyada iyo Nabadsugidda si ay Hay’addu u joojiso wararka ku saabsan howlgallada ka dhanka ah Shabaabka..

Warbixintii ugu dambeysay ee Machadka Hiraal ayaa ka hadlay fashilka Hay’adaha Dowladda ee ka hortagaya in Ciidamada ay gacanta ku dhigaan Dhulalka laga saaray shabaabka marka laga soo tago istiraatijiyad ka dhan ah oo sababtay in hal beel ay ku weyso in ka badan 700 oo dagaalyahano rayid ah oo loo yaqaan Macawisley.

Kadib markii aan daabacnay labadii warbixinood ee ugu dambeeyay, waxaa ila soo xiriiray oo ii sheegay Madaxa Xafiiska Amniga Qaranka [Xuseen Sheekh-Cali aka Xuseen Macallin] in daabacaadda waxyaabahan oo kale ay ‘khatar igu tahay’, isla markaasna uu siiyay digniin kama dambeys ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “maadaama Sarkaalkaani uu mar ka tirsanaan jiray Hey’adda waa inaan sidoo kale siinaa lacag haddii kale uu naga hor istaago shaqada, Ma laha awood noocaas ah, mana laha wax sharci ah ama nooc kasta oo xubin ah oo ka tirsan Machadka Hiraal, Waxa uu iscasilay 22-kii March 2022, ka hor inta aan loo magacaabin La-taliyaha Amniga Qaranka” M. Mubaarak, oo ah aasaasaha iyo Guddoomiyaha Hiraal Institute ayaa sidaas u sheegay.

253220cookie-checkLa-Taliyaha Amniga Madaxweynaha Oo lagu Eedeeyay Cabsi-gelinta Maamulka Machadka Hiraal..