Dalka Tanzania ayaa ka mamnuucday Shirkad Kenyan ah inay iibsatay Miraha avocados 

Africa News

Dowladda Tanzania ayaa la sheegay iney go’aan ka soo saartay kana mamnuucida Shirkad Kenyan ah oo ruqsad u heysatay iney Dalkaasi soo gelin karaan Badeecadaha miraha Avocadhada, kadib markii Wasaarada Beeraha ay soo saartay xiyaraad lagu sababeeyay iney ku kaceen falal sharci darro ah…

Wararka ayaa sheegay in Shirkadda Kandia Fresh Company laga mamnuucay iney Badeecada Avvokadhada u dhoofiso degaanka Njombe ee Konfurta bari ee Dalka Tanzania, kadib markii lagu eedeeyay iney soo iibsatay miraha abuurka Avvocadhaha oo dhicisi ah, Wasiirka Beeraha Mr.Xuseen Baashe ayaa sheegay in Shirkadda ay soo iibsatay miro tayadoodu hooseyso.

Wasiirka ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto mid ka mid Shaqaalaha Shirkadda oo magaciisa lagu sheegay Mr.David Sifuna Barasa, isagoo lagu eedeeyay inuu ja iibsaday miraha Avvokadhada kooxo dalaaliin ah isagoo aan fasax u heysan, Dalka Tanzania ayaa la filayaa iney Sanadkaan u dhoofiyaan dalalka Eu-da 15,000 oo Tan ayna ka macaashi doonaan 45-Millions US$.

237770cookie-checkDalka Tanzania ayaa ka mamnuucday Shirkad Kenyan ah inay iibsatay Miraha avocados 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com