Ciidamo Iyo Howlwadeeno Gaaray Dhuusa mareeb

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Howlwadeeno iyo Ciidamo ilaalo ah oo ka tirsan Madaxtooyada Villa Somalia ay soo gaareen Magaalada Dhuusa mareeb…

Diyaarad ka tagtay Magaalada Muqdisho ayaa ka dejiyay Howlwadeenadaan iyo tiro Ilaalo hubeysan kuwaasoo ka sii hormaray Wafdiga Madaxweynaha Dowlada Federaalka. Isagoo lagu wado inuu dhowaan gaaro Magaalada Dhuusa mareeb, si uu uga qeyb galo Shirka Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada.

Abaabul iyo is kooxeysi xoog leh ayaa ka socda magaalooyinka Dhuusa mareeb Iyo Muqdisho, Talaabadaan ay wadaan Garabyada Mas’uuliyiinta dowladda federaalka oo ku kala aragti duwan doorashada Soomaaliya, waxaana lagu wadaa iney daqiiqadaha ugu dambeya ay la soo baxaan Isbaheysiyo cusub, si Saameyn ugu yeeshaan Mustaqbalka Siyaasada Dalka.

48430cookie-checkCiidamo Iyo Howlwadeeno Gaaray Dhuusa mareeb