Wararkii ugu Dambeeyay ee Daad Xalay kusoo Rogmaday Degmada Qardho 

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ayaa laga helayaa Daad xoogan oo ku dhuftay Degmada Qardho, Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeryooday, hanti badana ayaa la sheegay iney ku burbureen daadkaan ayaa xalay kusoo rogmaday magaalada…

Wararka ayaa sheegaya in biyuhu ay galeen inta badan xaafadaha magaalada, iyadoo sidoo kale qaadaya waddooyinka xaafadaha iyo kuwa halbowlaha u ah isu socodka gaadiidka magaalada, Waxaa is taagay gaadiidka u kala safri jiray magaalada Boosaaso iyo goballada kale ee dalka, kuwaas oo ku hakaday banaanka magaalada Qardho.

Dadaalo lagu samata-bixinayo Dadka ay guryaha ugu galeen daadadku ayaa socda, waxaana jira dad ku xaniban biyaha oo qaaday guryahoodii, April 2020kii, ayay aheyd markii sidan oo kale daadad xooggan kusoo rogmadeen magaalada Qardho, kuwaas oo galaaftay nolasha dad iyo duunyo fara-badan, halka hanti malaayiin dollar ahna ay ku burbureen.

220280cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay ee Daad Xalay kusoo Rogmaday Degmada Qardho 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com