Dowladda Iran oo si Adag uga Hadashay Hub ay Xutiyiinta u Marsiiso Somalia

World

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Dalka Iran ayaa si adag u beeniyay eedeymo la xiriira iney Hub & Saanad Ciidan oo sharci darro ah u gudbiso Kooxda Xuutiyiinta ee dagaalada ka wada Dalka Yemen, iyagoo maraaya wadiiqooyin kala duwan ayna ka mid yihiin Dekedo ku yaal Dalka Somalia…

Mr.Nasir Kanani oo la hadlaayay Warbaahinta ayaa ku tilmaamay sheegashada “mid aan Sal iyo raad toona laheyn”, wuxuuna intaasi raaciyay iney eedahaan ay muddo dheer soo noqo-noqatay, ayna wadaan Mareykanka iyo xulafadiisa, wuxuuna si adag u eedeeyay & Xasuuqa ay wadaan Sacuudiga & Dalalka kale ku duulay Dalka Yemen lagula xisaabtami doono.

Warbixin ay soo saareen bishii Jenaayo 2022 Guddiga Khubarada Ee Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay iney jiraan caddeymo muujinayaa in laba shixnadood oo hub ah ay qabteen Ciidamada Badda ee Mareykanka, warbixinta ayaa lagu xusay in laga yaabo in Hubkaan laga soo qaaday degaano lagu keydiyo Hubka oo ku kala yaal Somalia.

208090cookie-checkDowladda Iran oo si Adag uga Hadashay Hub ay Xutiyiinta u Marsiiso Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com