Qorqor Oo Dib u Celiyey Dhaqaale uu Hormarsaday Ee Kursiga Hop#060

Somalia news

Dood adag oo dheer ayaa dhex martay Ex.Xildhibaanad Ubax Tahliil & Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mr.Axmed Qorqor, iyadoo laga dabladay inuu dib u soo celiyo dhaqaale uu ku qaatay kursiga Hop#060 kaasoo lagu qabtay magaalada Gaaljacyo…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Qorqor loo hormariyay dhaqaale dhan 300-Kun US$ si Kursiga uga dhigo Qoondo Haween isla markaasna u xiro Ubax Tahliil, inkastoo ay tartanka u soo istaageen 4-Musharax oo kale laguna qabsay in Kursiga si furan loogu tartamo isla markaasna laga badiyay wareegii 2-aad Ubax Tahliil.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Mr.Qorqor uu isku dayay inuu meermeeriyo iskana dhego tiro hadalada ka soo yeeraya Ubax Tahiliil, ayaa ugu dambeyntii kooxdiisa kula taliyeen inuu dib u celiyo dhaqaale uu laaluush ahaan u qaatay inta aysan ceebo kale laga faafin, iyadoo ugu dambeyntii la siiyay lacagtii Ubax Tahliil.

174180cookie-checkQorqor Oo Dib u Celiyey Dhaqaale uu Hormarsaday Ee Kursiga Hop#060
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com