Danjire hore oo Xirtay Dhisame ay Leedahay Safaarada Somalia Halka mid kale Oo Dacwad Xaraash ah ku soo Oogay…

Somalia news

Warar dhiilo xambaarsan ayaa muujinaaya in Danjire hore oo Somalia wakiil ugu ahaa Dalka Talyaaniga ayaa dacwad ku soo oogay Dowladda Federaalka, wuxuuna ku dhiiraday inuu dacwad hor geeyo Maxkamadaha Magaalada Roma ee Talyaaniga, isagoo codsaday in loo xaraasho dhisme ay Somalia leedahay…

Wararka ayaa sheegay in Somalia ay ku leedahay Caasimada Rome ee Italia 4-Dhisme oo kala ah 2-Guri oo midna Xafiis u yahay Danjiraha iyo Mid hoy u ah Danjiraha halka sidoo kake mid Xafiis u yahay Qunsulka halka kan kake uu degaan u yahay Qunsukla Somalia, iyadoo Dhismaha Safaarada oo muddo dheer aan la dayactirin kana muuqata burbur, kadib markii ay degaan ka dhigteen Somali Qaxooti ku ah Dalkaasi.

Dhismaha Qunsulka ayaa la sheegay inuu xiligaan ku shaqeeyo Danjiraha Somalia, halka gurigii Qunsulka Somalia waxaa xirtay Danjire hore oo Qaxooti ahaan iskaga dhiibay Dalka Canada, isla markaasna laga quustay in la furo albaabada Gurigaasi, Shaqsiga Dawcadaha geeyay ayaa ku eedeeyay in Dalka Somalia uu ku leeyahay 13-kun oo US$ ah, iyadoo dhawaan markii uu tagay Xasan Sheekh loo sheegay dhibaatada ka taagan Dhismayaasha Safaarada iyi Qunulka, waxeyna bixiyeen Lacagatii lagu sheegtay.

Dhacdooyinkaan ayaa 33-di sano ee u dambeeyay soo noqnoqday, waxeyna horseedeysaa in sawir xun laga qaato Dalka Somalia, iyadoo aan ugu baaqeyno Maamulka Villa Somalia iney si deg deg ah wax uga qabato dhibaatooyinka Dhismayaasha Dowladda Federaalka ee Safaaradaha Dibeda ku leedahay lagana fiirsado magacaabista Shaqsiyaadka xilalka loogu magacaabayo Danjire.

244450cookie-checkDanjire hore oo Xirtay Dhisame ay Leedahay Safaarada Somalia Halka mid kale Oo Dacwad Xaraash ah ku soo Oogay…