Darba-weyne: Muqdisho Doirasho Kama Dhici Doontee Qof Kasta Ha Aado Gobolkiisii

Somalia news

Aqoonyahanka Soomaaliyeed Mr.Muxiyadiin Xasan Cali (Darba-weyne) oo ka mid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay Xaalada kala guurka ee Dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socda, wuxuuna sheegay in reer Muqdisho xuquuqdoodii la duudsiiyay….

Mr.Muxiyadiin Darba-weyne ayaa sheegay inay riyo ku jiraan dadka qaba doorasho qof iyo cod ah inay dalka ka dhaceyso, isagoo sheegay in reer Muqdisho aysan yeeli doonin in magaaladooda doorasho lagu qabto, inta la duudsiinaayo Xuquuqdooda.

Mar uu ka hadlaayay Heshiiska qarsoodiga ah ee Mr.Farmaajo iyo Mr.Abiy ayuu sheegay “Niman maraakiib suubsaday, laakiin bad ay ku wadaan aan qabin waaye xaalka hada ii muuqda, doorashada la sheegayana dalkan kama dhici karto, sababtoo ah tira koob dadkan laguma sameyn” ayuu yiri.

Mr.Darba-weyne ayaa intaas ku sii daray, “Gobolka Banaadir ayey doorashadu ka dhaceyso ku leeyihiin gobolka Banaadir isagaanba dowlad-goboleed lahayn, canshuurna bixiya oo ciil meel la jiifa, cid aan ka yeelaynana malahan doorasho meeshaan halagu qabto, nin walba gobolkiisii ayuu aadaa, taas horayna waan u sheegay.”

53960cookie-checkDarba-weyne: Muqdisho Doirasho Kama Dhici Doontee Qof Kasta Ha Aado Gobolkiisii