Qiimeynta Baasaboorada Aduunka Kuwa Liita Iyo Tayada Wanaagsan

Somalia news

Hey’adda Henley and Partners ayaa soo saaray Qiimeynta sanadlaha ah ee lasoo saaro bilawga Janaayo waxeyna ku soo bandhigtay dalalka ugu tayada wanaagsan Baasaboorka caalamka, kuwa meelaha dhexe jooga & kuwa ugu liita, waxaana la eegayaa isticmaalka & ku safarka dadka…

Dalal dhowr ah ayaa hoos uga dhacay booska ay soo galeen sanadkii hore, waxaana sababta ugu weyn lagu sheegay Xayiraadda Covid-19 oo meesha ka saartay dalxiisayaasha tegi jiray, safarrada aan dhammaadka lahayn & Diyaaradahooda oo qaadi jiray rakaab kala duwan.

Liiska Tobanka waddan ugu wanaagsan dhanka Baasaboorka sanadkaan ayaa kala ah: 1. Japan, 2. Singapore, 3. waxaa Booska saddexaad kuwa jira South Korea & Germany, 4. Kaalintaan waxaa soo galay Italy, Finland, Spain & Luxembourg, 5. Waxaa qiimeynta wada tiigsaday Denmark & Austria.

Dalalka Booska ugu hooseeya soo galay ayaa u badan waddamada aan xasilooneen & Waqooyiga Kuuriya oo ah dal ay adag tahay in loo safro, maadaama Xukuumadda Pyongyang aysan jecleen socodka badan, sabab la xiriirta in ay ka feejigan tahay basaasiin u gudubta.

Kala sareynta dalalkaan ayaa kala ah: North Korea, Libya & Nepal oo hal boos kasoo wada galay qiimeynta, Palestinian, waxaa sidoo kale isku qaanad ku jira Somalia & Yemen, Pakistan, Syria, Iraq iyo Afghanistan.

86080cookie-checkQiimeynta Baasaboorada Aduunka Kuwa Liita Iyo Tayada Wanaagsan