Maxaa Hortaagan Madaxda Qaranka iney Dhisaan Guddiga Difaaca Qaranka

Somalia news

Muddo todobaadyo ah waxaa guud ahaan Dalka ka socda Olole baalaran oo loogu xidido siibaayo Kooxda Argagixisada Shababka kuwaasoo 17-kii sano ee u dambeysay dhibaatooyin xoogan oo isugu jira Baad, Baqdin gelin, Dilal, Dhac iyo Barakicin ku hayay Shacbiga Soomaaliyeed..

Maxaa La Gudboon Madaxda Qaranka:-

Si looga faa’iideysto Fursadaan qaaliga ah Madaxda Qaranka waxaa la gudboon iney diyaariyaan qorshihii lagu dhisi lahaa Guddiga Difaaca Qaranka, maadama ay Muwaadinyiinta Soomaaliyeed xiligaan diyaar u yihiin iney xidido siibaan Kooxaha Argagixisada isla markaasna uu dalka u jiheystay dagaal.

Guddigaan ayaa kaalin muuqata ka ciyaari kara Qorsheysan, isku dabaridka Saadka, dardargelinta Howlgalada haataan inta badan Gobolada ka socda, iyadoo uusan dagaalku yareysi laheyn qorshe la’aana natiijadiisu waa guuldarro iyo soo laba kacleyaan kooxda jabka soo gaaray.

Waxaa kaloo xasuusin mudan in la diyaariyo qorsha xigq hadii kooxdaan laga guuleysto oo ah oo uu burbur deg deg ah ku yimido, Shaqadaan ayaa loo baahan yahay in loo xil saaro Guddiga Difaaca Qaranka, iyadoo uu dhawaan Madaxweynaha Somalia uu saadaaliyay in muddo Sanad ah ay ku soo af jari doonaan Howlgalada hadda bilowga ah.

215790cookie-checkMaxaa Hortaagan Madaxda Qaranka iney Dhisaan Guddiga Difaaca Qaranka