Masaajid Magaalada Mogadishu Ku Yaal Oo Amaro Laga Soo Saaray & Sababta…

Somalia news

Waxaa bilihii ugu dambeeyay ay doodi adag ka taagnayd hab-dhaqanka Dhallinyaro soo booqata Masaajidka uu ka dhisay Ganacsade Axmed-nur Cali Jimcaale ee magaalada kuwaasoo u tagayay arrimo aan ahayn cibaadadii halkaa loo tegey ama xitaa nashaadaadka kale ee caadiyan masjid loo ogol yahay…

Wararka ayaa sheegay in Dhalinyaradaan oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa Muqaalo isaga duuba kadibna ku baahiya Baraha bulshada, iyadoo dhibaatadaan ay joogto noqotay, ayaa waxaa soo fara geliyay Maamulka Masaajidka oo soo saaray go’aan lagu adkeynaayo in Gabdhuhu ay Masjidka ku imaan karin dhar khafiif ah ama ku dhegan sida taraaxado iyo cabaayado aan saaxi u asturaynin jirka ama muujinaya.

Sidoo kale, Gabdhaha ayaa looga digey inay qaybta Ragga yimaadaan iyo inay hadda kadib mamnuuc tahay in masjidka dhexdiisa lagu sameeyo waxyaabo aan u cuntamin sida inay isla socdaan gabar iyo wiil, xitaa hadeey is qabaan, Go’aankaan ayeey Maamulka ku sheegeen in lagu ilaalinayo dhibaatada ka dhalatay dhallinyaro aad u adeegsada baraha bulshada oo masjidka oo ka mid ah kuwa ugu waawayn uguna casrisan magaalada u tega inay muuqaallo ugasoo duubaan Tik Tok iyo Snapchat.

277050cookie-checkMasaajid Magaalada Mogadishu Ku Yaal Oo Amaro Laga Soo Saaray & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com