Debeylaha Xeebaha Dalka & Sare Kaca Qiimaha Kaluunka ee Suuqyada..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in isbedelka Cimilada ee aaduunka uu saameyn ku yeeshay Dalka, iyadoo Dabeylaha ka dhacaya Sanadkaan Xeebaha Somalia ay keeneen khasaare Naf iyo Maalba leh sida ay sheegeen Kaluumeysatada xeebaha magaalada Muqdisho…

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa Xeebaha Somalia dhibaato ku heysay Dabeylo xoogan oo khasaare nafeed iyo mid Maalba u geystay Kaluumeysatada Dalka, iyadoo Warbixinada qaarkeed ay tilmaamayaan in 3-dii bilood ee u dambeysay ilaa 10-Kaluumeysato iyo doonyihii ay wateen lagu la yahay nolol iyo geeri Badda.

Dabeylahan oo weli socda ayna sabab u tahay El Nino oo meelo badan oo Qaaradda Afrika iyo Aduunka ka dhacaya ayaa dhanka kale sababay in qiimaha kalluunka uu sare u kacay, ilaa hadda ma jiraan talaabo wax looga qabanaayo dhibaatadaan oo ay Qaadeen Maamulada Gobolada iyo Dowladda Federaalka.

Ku darsoo waxaa sare u kacay Qiimaha Kaluunka ee Suuqyada Somalia iyadoo ay sabab u yihiin Debeylaha iyo Maraakiibta waa weyn ee sida Sharci darrada ah uga Kaluumeysta Xeebaha Dalka ay fasaxyo siiyeen Maamulada Gobolada iyo Dowlada Federaalka.

309740cookie-checkDebeylaha Xeebaha Dalka & Sare Kaca Qiimaha Kaluunka ee Suuqyada..