US Oo Warbixino Ka Soo Saartay Daah furnaanta Maaliyadeed Ee Dowladda Federaalka

Somalia news

Warbixino ay soo saareen Dowladda Mareykanka Ee la xiriira la socodka daah furnanta ku dhisan Ee deeqaha maaliyadeed ee Somalia la siiyo ayeey ka muujiyeen rajo xumo, kadib markii ay ka gaabiyeen Saraakiisha Wasaarada Maaliyada iney soo saaraan warbixino faahfaahsan Sanadkaan 2021…

Warbixintaan ayaa lagu sheegay in Dukumentiyada miisaaniyada Ee Sanadkaan ay ka muuqdaan dulduleelo, iyadoo Wasaaradaha qaarkood la sheegay in aan lagu xusin kharashaadkooda, maxaa yeelay Waxaa lagu sheegay in Xafiisyada Hantidhowrla aan Madaxtooyada Villa Somalia Diiday in la xisaabiyo.

Sidoo kale Waxaa la sheegay in Macluumaadka la xiriira Shatiyada Qandaraaska Shidaalka uu hareeyay shaki badan, isla markaasna Wararka la xiriira ay yihiin kuwo yar oo aan lagu ogaan karin in la raacay Sharciga u degsan, waxaana loogu baaqay Maamulka Farmaajo iney la yimaadaan daah furnaan Maaliyadeed.

Dowladda Federaalka ayaa la sheegay iney miisaaniyada Ed’s inta badan ku tiirsan tahay Deeqaha Dalalka bixiya, isla markaasna looga fadhiyay iney la yimaadaan Misaaniyad daah furan oo lagu xaqiijinaayo sida loo kharash gareeyay dhaqaalaha loogu deeqay, ku darsoo 4-tii sano Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Baarlamaanka Federaalka lama ansixinin Miisaaniyada Dowladda Federaalka.

128170cookie-checkUS Oo Warbixino Ka Soo Saartay Daah furnaanta Maaliyadeed Ee Dowladda Federaalka