Deeqo Lacageed Oo La Gaarsiiyay 1500 Oo Qoys Oo Fatahaadaha Dhibaateeyeen

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar Ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Hey’adda Hormuud foundation ay deeq lacageed gaarsiiyeen ilaa 1500 oo qoys oo ay saameyn ku yeeshay nolashooda fatahaadaha wabiga Shabelle ee magaalada Jowhar…

Wararka ayaa sheegay in loo qeybiyay deeq lacageed oo qoyskiiba afartan dollar la siiyay, waxaa ay ahaayeen kuwo laga soo xulay dadka ugu nugul ee ay fatahaaduhu saameyeen 21 tuulo oo ka tirsan degmada Jowhar, Munaasabada deeqdan lacagta ah lagu wareejinayay qoysaska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan,Guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Baarey, Duqa magaalada Jowhar Sheekh Muudeey Cali, Maamulaha Fulinta shirkada Hormuud Jowhar Cabdi Jiinow Cabdulle, Gudoomiyaha shirkadda Hormuud Jowhar Sheekh Axmed Barrow Acraabi iyo Guddoomiyaasha tuuloyinka la siinayay deeqda lacagta ah.

Deeqdan lacagta ah ee ay Hormuud Foundation gaarsiisay shacabka ku nool illaa 21 tuulo ayaa ah tii ugu horeysay ee qoysaska ay fatahaaduhu saameyeen la gaarsiiyo, Kumanaan qoys ayaa ku barakacay isla markaana ku baaba’ay dalagyo kala duwan oo ay tacbadeen fatahaad socoto muddo k u dhow labo bilood deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

125180cookie-checkDeeqo Lacageed Oo La Gaarsiiyay 1500 Oo Qoys Oo Fatahaadaha Dhibaateeyeen