Maxey Dowladda Federaalka wax uga Qaban la’dahay Wasiirada & Maamulka Gobolka oo Shirkaddo Lacago u Qaada Sharciyeeysteen..

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya in ilaa shalay muran ka taagan yahay sidii uu ku shaqeyn lahaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Mogdishu, kadib markii shalay dib u dhac uu ku yimid howlihii dhoofitaanka Dadka ka baxaaya Garoonka, Amar ka soo baxay Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada lagu joojiyay…

Wararka ayaa sheegaya in Amarkaan sharci darrada ah oo ay soo saartay Wasiirad Fowsiyo Cusmaan Cigaal in Rakaab kasta laga qaado lacago (9-US$) sharci darro ah in xoog lagu dhaqan geliyo, iyadoo loo dhex maraayo Wakiilada Diyaaradaha iyo Shirkad cusub oo loo xil saaray iney lacagahaasi Wasaarada u qaado.

Culeyska Shacabka, Shacbiga magaalada Mogadishu waxey wajahayaan Amni darro, Shaqo la’aan, Sicir barar iyo dhaqaale xumo baahsan, waxaa u dheer iney ku qanacsan yihiin tayada hooseysa ee Diyaaradaha Dalka ka shaqeeya, duulimaadyaduna wakhti sugan ma lahan tikidhaduna waa qaali.

Wasaarada Gadiidka iyo Duulista 2-jeer ayeey labadii sano ee ka soo dhaafay ku lug yeelatay murano la xiriira dhaqaale lagu kordhiyay Rakaabka ka baxaaya ama ka soo degaaya Garoonka diyaaradaha waxaan ku doo koobeynaa Qodobada hoos ku xusan:-

-Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Faracyada Hey’adaha Sirdoonada CIA, MI6 & Europe oo muddo 14-sano ay Xafiiska Socdaalka garoonka Diyaaradaha u gudbin jiray Liisaska Rakaabka baxaaya ayeey haatan soo cusbooneysiiyeen Sistem-ka Adeega API (Advanced Passenger Information) Adeegaan ayaa ah in la helo xogta Rakaabka inta uusan diyaarada kicin, iyadoo Hey’adahaan aysan soo dalicin wax lacag ah waana howl u taal Wasaarada Amniga.

-Wasiirada Gadiidka ayaa u xil saartay Shirkadda (Horn Link) waxaa iska leh Shaqsi magaciisa lagu soo gaabiyay Makaraan oo Dhalashada UK heysta, & Akoon gar ah oo Dhaqaalaha ku dhacayaan taasoo tuhunka sii xoojineysa in Musuqmaasuq lagu eedeeyay Maamulka Villa Somalia, waxaana la biyo diiday Shirkadaha Diyaaradaha iyo Rakaabka.

-Maamulka Villa Somalia waxaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabto dhaqanka joogtada noqday ee Shirkado gaar ah loo sameysto iney dhaqaale u qaadaan Wasiiro iyo Maamulka Fashilka ah ee Gobolka Benaadir oo ay rabaan iney ku dhacaan Shacbiga Soomaaliyeed.

312760cookie-checkMaxey Dowladda Federaalka wax uga Qaban la’dahay Wasiirada & Maamulka Gobolka oo Shirkaddo Lacago u Qaada Sharciyeeysteen..