Kooxda Shabaabka Oo u yeertay Odayaasha Xubno Lagu Riday Xukumo Kala Duwan

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa in Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada Shababka ay u yeereen Odayaasha iyo Ehelada Dembilayaal katirsan Kooxda oo maalin kahor ay xukun dil ah ku riday Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Degaanada Puntland….

Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Odayaasha Dhaqanka iyo Ehelada Dembiilayaal (18-xubnood) lagu Eedeeyay iney muddo 13-sano ah ka howlgalayeen labada qeybood ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, Dembilayaashaan ayaa dilal iyo Qaraxyo badan ka fuliyay intii ay wadaan Howlaha loo Xil saaray.

Odayaasha Dhaqanka iyo Ehelada Dembilayaashaan ayaa la sheegay in looga yeeray Degaan aan la magacaabin oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, waxaana lagu wadaa in amaro lagu siiyo sidii ay culeysyo Siyaasadeed u saari lahaayeen Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka in aan la dhibaateyn Dembilayaasha.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, ayaa dhowaan uga digay Beelaha Gobalka inay xiriir iyo heshiis la yeeshaan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in Beeshii lagu helo arrintaas ay u aqoonsan doonaan Argagixiso.

125210cookie-checkKooxda Shabaabka Oo u yeertay Odayaasha Xubno Lagu Riday Xukumo Kala Duwan