Wariye Lagu Xiray Magaalada Baydhabo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Goblka Bay ayaa sheegaya in Xoogaga amaanka ay xireen Wariye Maxamed Deeq Cabdiraxiin (Serjito) oo ka mid ah Wariye-yaasha sida weyn looga yaqaano Magaalada, falkaan ayaa dhacay shalay, waxaana laga soo sheegayaa faah faahin dheeraad ah ujeedada ka dambeysa xarigiisa….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Xariga Wariyaha uu ka dambeeyay Mr.Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed, isagoo u adeegsaday askar ka tirsan Boliiska Baydhabo xariga Wariyaha, Wariyaha ayaa loo xiray, isagoo wareystay uun dad dhaliilay shaqada Wasaaradda Haweenka, Xuquuqul Insaanka & Arrimaha Qoyska ee Koonfur Galbeed.

Somalia ayaa ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo, iyadoo loogu gaysto handadaad, xarig, jirdil iyo dilba, xariga Serjitana waa mid qayb ka ah caburinta lagu hayo Wariye-yaasha iyo Warbaahinta xorta ahba.

57010cookie-checkWariye Lagu Xiray Magaalada Baydhabo