Xiisado Xoogan Oo Ka Taagan Magaalada Buuhoodle

Somalia news

Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Magaalada Buuhoodle ay ka taagan tahay xiisad u dhexaysa ganacsatada magaaladaasi iyo kuwo ka soo jeeda Beelaha Digil & Mirifle oo ay weheliyaan ganacsato yaryar oo ka soo jeeda Buuhoodle iyo gobolada kale ee Soomaaliya….

Xiisadaan ayaa salka ku heysa heyb sooc, iyadoo Ganacsatada degaanka u dhashay ay gadaal ka riixayaan qorshe la doonaayo in Magaalada looga saaro Ganacsatada aan u dhalan degaanka, waxeyna ka caroodeen in Badeecadaha Ganacsatada kale iney qiimo hoose ku iibiyaan Badeecadahooda.

Ganacsatada ayaa Qorshahooda hordhigay Odayaasha degaanka, inkastoo ay ku gacan seyreen, waxeyna soo kireesteen Maleeshiyaad hubeysan si ay xoog ugu adeegsadaan, Xiisadani ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo Magaalada Buuhoodle Ee Gobolka Togdheer.

Kooxdan ganacsatada degaanka ayaa ku eedeeyey ganacsatada Kale inaysan bixin Qaaraanka iyo dhaqaalaha taakuleynta ah, laakiin Jimciihii ugu dambeeyay waxay masaajidka wayn kaga dhawaaqeen lacag 700$ oo ay ku bixiyeen dhismaha masaajidka loo dhisayo garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle.

71330cookie-checkXiisado Xoogan Oo Ka Taagan Magaalada Buuhoodle