Cabsi Gelinta Shaqaalaha Dowladda Ee NISA

Somalia news

Waxaa markii 2-aad soo shaac baxaaya Cabsi gelin iyo hanjabaado la xiriira shaqadooda loo geysanaayo Shaqaalaha Wasaaraha iyo Wakaaladaha Dowladda Federaalka, kuwaasoo looga yeeray Xarumaha NISA, iyadoo loogu marmarsiiyo looga dhigay in baaritaano dhinaca Amniga ah la marsiinaayo Shaqaalaha Dowladda….

Qoraal uu soo saaray Sii-hayaha Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Ee Dowladda Federaalka Mr.Saaqid Warfaa oo ku taariikheysan 3-dii Bishaan ayuu ku wargeliyay in dhamaan Shaqaalaha Dowladda mar 2-aad la marsiinaayo Baaris amni (Screening Investigation) si loo hubiyo macluumaadkooda la xiriira ineysan xiriir ka laheyn Kooxaha argagixisada.

Horey ayaa baaritaankaan ay u sameeyeen Saraakiisha Hey’adda NISA, iyadoo Shaqaalaha lagu xiray iney damaanad la yimaadaan (Xildhibaano, Waxgaradka, Odayaal Dhaqmeed), taasoo dhibaato ku noqotay qaarkoodna ay waayeen cid damiinata, waxaa Wararka qaarkood ay sheegayaan In Wasaaraha ay ka howlgalaan Saraakiil ka tirsan NISA, lamana yaqaano sababta loo soo cusbooneysiiyay Baaristaan.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa la qeybsaday Warsidaha Diinah.com news in Hey’adda NISA ay u baahan tahay in Hogaankeeda baaris lagu sameeyo maxaa yeelay waxaa ka howlgala Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad laba kaarle ah, kuwaasoo xogta iyo fududeynta u sahla Kooxaha argagixisada iney si fudud ku gaaraan bartilmaameedkooda.

65000cookie-checkCabsi Gelinta Shaqaalaha Dowladda Ee NISA