Deg Deg:-Weerar lagu Laayay Saraakiil iyo Askar oo ka Dhacay Xerada Gen. Gordan ee Mogadishu..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Askari ka tirsan Guutada Gorgor ayaa Rasaas la beegsaday kuna dilay Saraakiil u dhalatay Imaaraadka Carabta Muqdisho (6) iyo Ciidamo Soomaali ah halka dhaawacyo (8) kala heer ah soo gaareen…

Wararka ayaa sheegaya in Askarigaan lagu tuhmaayo inuu Koooxda Argagixisada Shababka daacad u yahay wuxuuna rasaas ku furay tiro Ciidamo fayl ku jirtay xerada Gen.Gordan, Saraakiil xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in dhimasho iyo dhaawac ay jirto, Xerada ayaa waxaa maamulaayay Ciidamada UAE.

Weerarka ayaa ka dhacay gudaha xerada, askariguna wuxuu ka mid ahaa Ciidankii tababarka loo soo gabagabeeyey ee dhawaan hubka loo qeybiyey, falkaan ayaa dhacay salaadii maqribkii kadib ama wax yar ka hor salaadii cishaha ee caawa.

Ku darsoo Waxaa Caawa la adkeeyay Amaanka Madaxtooyada & Xarumaha NISA iyo Boliiska, Iyadoo Maanta ay Garoonka Diyaaradaha ka soo dageen Howlwadeen, Saraakiil iyo Ciidamo hordhac u ah Madaxweynaha Dalka Masar oo la filaayo inuu soo booqasho ku yimaado magaalada Mogadishu.

307290cookie-checkDeg Deg:-Weerar lagu Laayay Saraakiil iyo Askar oo ka Dhacay Xerada Gen. Gordan ee Mogadishu..