Ganacsade Lagu Dilay Boosaaso & Qaraxyo Laga Maqlay Hoyga Wasiirka..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay lagu dilay Mid ka mid ahaa Ganacsatada magaalada, iyadoo Dabley hubeysan ay meharadiisa ugu tageen kuna dhex toogteen kadibna kooxdu ka baxsadeen..

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in hoyga Wasiirka Amniga Puntland Ibraahim Cartan (X.Bakiin), lagu weerar Tiro bam gacmeedyo, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo baaris ka bilaabay.

Mas’uuliyiinta Amniga Puntland gaar ahaanna kuwa Gobolka Bari weli kama hadlin falalka amni-darro ee xalay ka dhacay magaalada Boosaaso oo muddooyinkii dhacdooyinka noocan ah ku soo noq noqdeen.

307330cookie-checkGanacsade Lagu Dilay Boosaaso & Qaraxyo Laga Maqlay Hoyga Wasiirka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com