Degaanka Shirkoole Oo Noqotay Xarunta Kacdoonka

Somalia news

Waxa xalay Degaanka Shirkoole ee Degmada Hodan ee Gobolka Benadir ka bilaawday Dibedbax balaaran oo lagaga soo horjeedo Hogaamiye kooxeedka Farmaajo ee 12kii bishan isku u kororsaday mudo xileed sharci darro ah oo uu doonaayo inuu ku sii haysato talada dalka…

Banaanbaxaya looga soo horjeedaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxayna dadka dhigaya ku qeylinayaan erayo ay ka mid yihiin “Kaligi taliye dooni meyno, hoggaamiye kooxeed dooni meyno, sharci jebiye dooni meyno, doorasho diid dooni meyno”, Markii laga reebo halka wado ee ka leexata isgoyska blacksea ee aadda isgoyska Shiirkole, wadooyinka kale ee gala xaafadaas waxaa lagu jaray Carro, waxaana difaac uga jira ciidamo daacad u ah, Jeneraal Saadaq Joon.

Hadaba Degaanka Shirkoole ayaa tan iyo intii uu saldhig ka dhigtay Taliyaha. Boliiska Mogdishu Saadiq Joon waxay Degaanka xarun u noqotay kacdoonka maalmahanba ka bilaawday magaalada ee lagu diidanyahay Hogaamiye kooxeedka soo daahay Farmaajo.

112200cookie-checkDegaanka Shirkoole Oo Noqotay Xarunta Kacdoonka