Sidee Looga Hortagi karaan Marin Habaabinta Dhalinyarada

Somalia news

Sanadahaan ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay Warbixino dhiilo xambaarsan kuwaasoo Siyaasiyiinta qaarkood (Kaligii-talis) ay hal-kudheg laab-la-kac ku dhisan oo ay ka dhigteen kuna sifoobeen Wadaniyiin balse ujeeda ka dambeysa ayaa lagu fasiray iney tahay sidii Bulshada loogu ku kala qeybin lahaa kooxo iyo qaab-Qabiil, waxaana marin habaabintaan la sheegaa iney u dhego nugul yihiin kuwo indhow-garadka oo u fasirta iney Waddaniyiin yihiin, talaabadaan oo dhibaato ku ah Shacbiga Soomaaliyeed….

Hadaba si loo xoojiyo fahanka xuquuqaha Dastuuriga ah, dhiirigalinta hannaanka talo wadaagga ama dimuqraadiyadda, waddaniyadda, waajibaadka muwaadinka ama dalka iyo ahmiyadda xuquuqal qofka. Muwaadinow ma is waydiisay sida aynnu dal ahaan ugu  baahan nahay yeelashada ama aas-aaska xarun qaabilsan Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyadda “Center for Constitution and Civic Education”?.

Sidoo kale, muwaadin weligaa marna ma ka fekertay ahmiyadda kor u qaadista maan-galka muwaadinnimo ee dhallinyaradu kaalinta ay ka qaadan karto horumarinta bulshonimo, dhaqan-dhaqaale iyo xaqa asaasiga ah, Run ahaantii, waydiimahan kor ku xusan iyo kuwo kaleba si maan-furnaan ah ma isku waydiisay in Hey’addaha qaabilsan howlaha kobcinta iyo horumarinta barnaamjijyada Barashada Dastuurka Iyo Wacyigelinta ay ka gaabiyeen iney kor u qaadaan Dareenka dhalinyarada oo sanooyinkii ugu dambeeyay Xaabo la shito u noqotay dagaal beeleedyada.

Dhalinyarada ayaa la sheegay iney u baahan yihiin iney Macluumaad dheeraad ah laga sii fahamka ama bartaan qodobadaan:-

-Dastuurka iyo Waddaniyada

-Dimuqaraadiyadda iyo Dowladnimada

-Xaqa Helista Cadaalada, Amniga, Caafimaadka iyo Shaqo abuuris

-Deminta Dagaalada iyo Colaadaha

-Xuquuqda Qofka iyo Is-xaq dhowrka aragtida

-Isla xisaabtanka Daah-furnaanta nidaamka Dowladda iyo doorka ay Bulshada ku leedahay

-Ka qeyb qaadaahada Arrimaha Siyaasada iyo xaqa cod bixinta iyo matalaada.

-Ku dhaqanka Sareeynta Sharciga iyo Dastuurka

-Waajibaadka Muwaadinta iyo xaqa uu dalku ku leeyahay

112230cookie-checkSidee Looga Hortagi karaan Marin Habaabinta Dhalinyarada