Farmaajo Oo Teegeero Dibada Ah U Goobaaya Muddo Kororsiga

Somalia news

Madaxweynaha wakhtiga ka dhacay Mr.Farmaajo ayaa Caawa ku jeeda Caasimada Dalka Congo ee Kinshasa, sida Ilo wareedyo xogogaal ah u sheegeen Warsidaha Diinah.con news, wuxuuna la kulmayaa Madaxweynaha xiligaan ee Ururka Midowga Africa AU-da…

Safarka Farmaajo ayaa qeyb ka ah olole uu ku doonaayo inuu taageero uga helo Dalalka African ah muddo Kordhinta 2-da sano ah ee sharci darrada ah, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in safarkaan ay fududeeyeen Dowladda Qatar iyo Wakiilka AU-da Ee Somalia.

Ilo Wareedyo ayaa u Warsidahaan u sheegay in Madaxweynaha Kenya uu isna tagi doono Magaalada Kinshasa, iyadoo lagu wado iney ku kulmaan Dalkaasi si loo qaboojiyo xiisada labada Dal iyo inuu taageerayaashiisa u muujiyo in la aqoonsaday, warar aan la xaqajiin ayaa sheegaya in Farmaajo muddo lagu xayiray gudaha garoonka, kadib markii uu la kulmay Saraakiil Mareykan ah, ugu dambeyntii Waa loo Fasaxay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Caawa Ee Magaalada Mogadishu.

Muddo Kordhinta 2-sano ah ayaa cambaareyn Caalami ah iyo mid gudaha ah, waxaana hanjabaado kaga yimid Dalalka daneeya Arrimaha Somalia kuwaasoo ku goodiyay iney cunaqateyn saari doonaan hadii uusan ka noqon muddo Kordhinta isla markaasna dib ugu laaban Teendhada Afisioni.

112140cookie-checkFarmaajo Oo Teegeero Dibada Ah U Goobaaya Muddo Kororsiga