Kulan Ka Dhacay Villa Somalia

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa kulan dhex Xalay Mr.Farmaajo iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin (Adeegaha Qatar), kaasoo xalay ku yeesheen Xarunta madaxtooyada (Villa Somalia), iyadoo looga dooday Qodobo dhowr ah ay ugu muhiimsaneyd amaanka Magaalada, Siyaasada iyo Magacaabista Wasiirka 1-aad….

Warar hoose oo laga helay Kulamkaasi heleyno ayaa ku waramayaa in Mr.Farmaajo iyo Fahad Yaasiin si gaar ah diirada u saareen xaaladda guud ee Amaanka Caasimada, iyadoo dhowaan Ciidamo Dharcar ah Magaalada laga howl geliyay kuwaasoo dhibaatooyin ba’an ku haya Shacbiga Magaalada, heshiiska Dhuusa mareeb-3, Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo magacaabista xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Warar si aad ah la iskula dhexmarayay warbaahinta ayaa sheegaya in dhawaan uu Mr.Farmaajo ku soo magacaabayo Ra’iisal wasaaraha sii wadaya howlaha muhiimka ah ee horyaala Xukuumadda, waxaana wali isha lagu hayaa madaxtooyada Somalia.

Puntland, Jubbaland iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa Villa Somalia ku cadaadinaays in la soo magacaabo Wasiirka 1-aad ee Xukuumadda dhaqan gelisa heshiiyada la galo shirkii Dhuusamareeb-3 ee qabyada ahaa.

56270cookie-checkKulan Ka Dhacay Villa Somalia