Qatar Oo Hub Iyo Rasaas Ka Soo Dejisay Mogadishu

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa 2-diyaaradood oo midi lagu soo raray Hub ta kalana ay waddo Adeege Fahad Yaasiin ayaa maanta soo gaaray Xamar, diyaaradda hubka siday ayaa soo caga dhigatay garoonka Ciidanka Cirka oo ku dhow Adan Ade Airport, ugu dambeynna hubkaas ayaa la geeyey keyd u gaar ah oo Villa Somalia ay oggolaatay…

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Hubkan oo u badan Bastoolado, tiro aan badneyn oo Qoryo fudud iyo Rasaas ayaa la dhigay Xaruntii Hore Ee Baarlamaanka, Waxaana lagu wadaa in loo qeybiyo Dhalinyarada la keenaayo dhowaan Magaalada Asmara.

Wararka kale ayaa sheegaya Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ee waqtigeedu sii dhammaanayo ayaa wada qorshe lagu soo celinayo Ciidamadii lagu soo tababaray Eritrea intii ka hartay maadaama horay loo soo weriyey in dagaallo adeegsaday qaarkood.

90760cookie-checkQatar Oo Hub Iyo Rasaas Ka Soo Dejisay Mogadishu